Borama News Network

Midowga Yurub oo ka baaraandegaya in uu cunaqabatayn kusoo rogo qaar kamida wasiirada Israa’iil

Midowga Yurub ayaa samaynaya soojeedinno ay ku waydiinayaan wadamada xubnaha ka ah inay rabaan inay bilaabaan cunaqabataynta “qaar ka mid ah wasiirada Israa’iil”.

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta ka hor kulanka Brussels, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa xaqiijiyay inuu bilaabay habka xanibaadda lagu saarayo qaar kamida golaha wasiirada Israa’iil si loo eego haddii dalalka xubnaha ka ah ay u arkaan “mid ku habboon” in la cunaqabateeyo qaar ka mid ah wasiirrada Israa’iil.

Kuwa “bilaabay farriimaha nacaybka aan la aqbali karin ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, soona jeedinaya waxyaabo si cad uga soo horjeeda sharciga caalamiga ah”, waa shakhsiyaadka uu Borrell sheegay in Midowga Yurub “ay ka fiirsanayaan” inay ku daraan liiska cunaqabataynta. Mana uusan magacaabin mid ka mid ah wasiirada Israa’iill ee uu ula jeeday.

Related posts

Wixii Berbera Ka Dhacay Waxay Ahaayeen Sharci Daro ” Gudigii Baadhitaanka Ee Xidhiidhka Gubada Cagta Oo War Culus Soo Saaray

Abdiaziz Bnnstaff

“Nin Xumi Reer-na Maaha, Habar Awal Waxan Leeyahay”Suldaan Xasan” Suldaan Diiriye

Abdiaziz Bnnstaff

War Kasoo Kordhay Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Weli Ku Xiran Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff