Borama News Network

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo sheegay in ay ciidamada xoogga diyaar u yihiin ‘cadowga gudaha iyo dibadda’

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay ciidamada xoogga ay u diyaarsan sugida amniga dalka oo dhan iyo ka hortagida dal kasta oo isku daya in ay soo weeraan.

Wasiirka oo khudbad u jeediyay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga oo uu tababar uga socdo xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho ayaa sheegay in ay si dhaw ula socdaan dhaqdhaaqyada ay wado Itoobiya ee la xiriira damaca badda.
Sidoo kale, wasiirka ayaa ciidamada faray in ay ka shaqeeyaan ilaalinta madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya.

“Waad maqleysaa Itoobiya ayaa badda soo damacday, ciidanka xoogga waa in uu aaminsan yahay goob kasta oo uu joogo dalkiisa iyo dadkiisa cid kasta oo farta ku soo fiiqda in uusan aqbaleyn, shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamadooda waxaa ay aaminsan yihiin in aan taako dhulkooda ah la qaadan karin” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli ay sii xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Related posts

Booliiska Soomaaliya oo baaraya Rag hubaysan oo ku eedaysan Dilal ka dhacay Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Qarax Loo Adeegsaday Gaadhi Dameer Oo Ka Dhacay Dalka Kenya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Markabkii La Qafaashay Oo Kusoo wajahan Xeebaha Garacad

Abdiaziz Bnnstaff