Borama News Network

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya “Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa howlahooda caadiga ah ka dhigtay inay sii ballaadhiyaan khilaafaadka”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta Soomaaliya “qaar” hadallo cadawtinimo ah iyadoo ay sii xumaanayso xiisadda u dhexeysa labada dal ee deriska ah.

Hadalka Taye Atskeselassie ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii xukuumadda Addis Ababa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay gacansaar la yeelanayso kooxo dibadda ah oo aan la magac dhabin ujeedkooduna yahay in ay gobolka khalkhalgeliyaan. Xilli lagu wado in Soomaaliya uu ka bilowdo howlgal cusub oo nabad ilaalin ah.

Masar, oo ah waddan uu khilaaf diblumaasiyadeed kala dhexeeyay Itoobiya muddo dheer, muran ka dhashay biyo-xidheenka weyn ee Addis Ababa ay ka dhistay webiga Niilka Buluugga ah ayaa muujisay in ay ku hawlgalka cusub kamid noqoto wax adag ku noqonaysa Itoobiya.

“Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa hawlahooda caadiga ah ka dhigtay inay ballaadhiyaan khilaafaadka,” ayuu Mr Taye u sheegay suxufiyiinta Jimcihii isagoo ku sugan caasimadda dalka ee Addis Ababa.

Isaga oo tixraacaya ku lug lahaanshaha Itoobiya ee howlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, diblumaasiga ugu sarreeya ayaa intaa ku daray in saraakiisha Soomaaliya “ay udub dhexaad u yihiin hadalkooda si ay u wiiqaan nafhurnimada askarta Itoobiya ay u bixiyeen” dalka.

Hogaamiyayaasha Itoobiya ayaa hore u sheegay in dal ay ku nool yihiin 110 milyan oo qof helitaanka badda ay u tahay arrin “jiritaan” – ahmiyad weyn u leh.

“Itoobiya waxay doonaysaa inay ku xalliso khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya si nabad ah iyo dadaallo dublamaasiyadeed” ayuu yiri Mr. Taye.

Related posts

Muslimiinta dunida maanta farxad ayay ciidayaan, marka laga reebo kuwan oo ciiddu ay gelisay murugo hor leh

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka oo Israaiil siinaya hub cusub oo ku fadhiya $2.5 Bilyan oo Doollar

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Bayaankii Maanta Ka Soo Baxay Dowlada Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff