Maxkamada Gobolka Saraar Oo Xukun Dil Ah Ku Riday In Lagu Soo Eedeeyay Kufsi Iyo Dil

Maxkamadda Gobolka Saraar  ayaa xukun ku ridday Nin la sheegay in horay uu kufsi iyo dil u gaystay, kaasi oo lagu magacaabo Saleebaan Cali Kaarshe.

Saleebaan Cali Kaarshe ayaa la sheegay in lagu helay in uu kufsi iyo dil isugu daray Marxuumad Hodan Siciid Jaamac, waxaaana dhawanahaan socday dhagaysiga dacwadda.
Marxuumad Hodan ayaa ahayd Gobar reer Miyi ah, waxaana la sheegay in ay Ari ku ilaalinaysay miyiga gobolka Saraar, halkaasi oo kufsi iyo dil loogu gaystay, waxaana si weyn uga xumaaday dhacdadaasi xanuunka badan bulshada ku nool saraar iyo guud ahaan shacbiga Somaliland.

Waxaana da’deedu ay ahayd 18 sano, iyadoo la shegay in Saleebaan Cali Kaarshe uu marxuumadda kufsaday kadibna uu dilay, waxaana Maxkamadda Gobolkaasi ay ku Xukuntay dil toogasho ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxamed Bin Salmaan Badbaado Maka Heli Doonaa Madaxwaynaha La Doortay Ee Dalka Maraykanka Joe Biden?

Bnnstaff Bnnstaff

Qoraaga Turkishka Ah Ee Ibrahim Karagolu Oo Warbixin Xasaasiya Ka Diyaariyay Xaalada Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirka Gabilay Oo Maanta Bilaabay Olole Lagu Nadiifinayo Magaalada Gabilay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More