Raysal Wasaare Rooble Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Cadaado

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Cadaado ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta ay joogaan Cadaado waxa ay u kuurgalayaan xaaladaha nololeed iyo baahiyaha ay qabaan shacabka ku nool Cadaado ee dhinacyada kaabayaasha bulshada, taasoo qeyb ka ah barnaamijka xukuumadda ee horumarinta adeegyada bulshada.
Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in shacabka Cadaado ay yihiin dad jecel dowladnimad, isagoo Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey safarka uu ku joogo Galmudug ee loogu kuurgalayo baahiyaha ka jira deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabkii soo dhaweeyey u mahadceliyey, waxuna sheegay inta uu joogo inuu kulamo lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka la sameyn doonno qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Cadaado.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xidhibaan Bashiir Xuseen Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Cusub Ee Gobolka Awdal Oo U Mahad Celiyay Shacabkii Soo Doortay

Bnnstaff Bnnstaff

MadMaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Waa Oday Soomaaliyeed Markhaatina Anaa Ah” :Siyaasi Maxamuud Xaas

Bnnstaff Bnnstaff

Wakhtiga Uu Ruushu Qorsheeyay Duulaanka Uu Ku Qaadayo Ukraine Oo La Shaaciyay Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More