Ingiriiska Oo Ka Baaraan Degaya Qorshe Cusub Oo Ka Dhan Ah Coronavirus

Ra’iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa Maanta ka fiirsanaya inuu adkeeyo xayiraadaha Covid-19 ee Ingiriiska, kadib markii uu sheegay in UK uu ku soo noqonayo fayraska oo dalku gelayo wejigii labaad.

Tan iyo markii fayraska laga helay UK horraantii sanadkan waxaa u dhintay 41.732 Guud ahaan caalamka dadka u dhintay fayraska Corona waxay ku dhow yihiin Hal milyan oo qof, iyadoo ay ka bogsadeen 20 milyan oo qof.

COVID-19 waa xannuun cusub oo ku dhaca sambabada iyo hab-neefsiga qof – taasi oo uu sababo fayras lagu magacaabo Corona.

Yurub waxay ka mid tahay meelaha ugu xun aduunka ee uu cudurku saameeyay waxaana hadda muuqanaya kiisas cusub oo soo kordhaya Badanaa waqtiyada qabowga oo iminka la galayo waxaa guud ahaan Yurub ka dilaaca hargab aad u daran kaas oo caruurta iyo waayeelka ay halis u galaan.

Karoonaha oo ay hargabka wax badan isaga egyihiin ayaa laga cabsanayaa in uu aad u kordho waqtigan.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Deg Deg:- Taliyaha Qaybta Booliska Ee Gobolka Awdal Oo War Ka Soo Saaray Hawlgalo Ay Xalay Boolisku Fuliyeen

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wasiirada Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay U Diyaar Galawga Doorshooyinka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Ciro Oo Soo Bandhigay Murashaxiinta Beelaha Gabooye Ee Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More