Borama News Network

Isreal Oo Duqayn Ku Laysay Dad Shacab Ah Oo Ku Nool Daanta Galbeed Ee Qaza

Ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay koonfurta Qaza halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Israa’iil ka geysatay goob bini’aadantinimo oo loo asteeyay, maamulka difaaca rayidka ee Xamaas ay maamusho ayaa sidaas sheegay.

Milatariga Israel ayaa sheegay in diyaaradahooda ay weerareen xarun hawlgal oo ku taal Khan Younis oo ay leeyihiin dagaalyahanada Xamaas, waxayna sheegeen in ay qaadeen tillaabooyin lagu yareynayo halista waxyeelada rayidka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saddex weerar lala beegsaday teendhooyin ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku nool aagga loo asteeyay bini’aadantinimada ee al-Mawasi, ee galbeedka magaalada Khan Younis, kuwaas oo sababay in ay qodaan godad waaweyn oo toddobo mitir ah.

“Afartan qof ayaa la dilay in ka badan 60 kalena waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo qaar badanna ay weli ku hoos jiraan burburka,” ayuu yiri agaasimaha howlgallada ee maamulka difaaca madaniga ah ee Xamaas oo BBC-da la hadlay.

Goob joogayaal ayaa BBC-da u sheegay in qaraxyo waaweyn ay gilgileen deegaanka al-Mawasi wax yar kadib saqdii dhexe waxaana la arkayay holac cirka isku shareeray.

Khaled Mahmoud, oo ah mutadawac u shaqeeya hay’ad samafal oo ku nool meel u dhow goobta ay wax ka dheceen, ayaa sheegay in isaga iyo mutadawiciin kale ay u gurmadeen si ay u caawiyaan balse ay la yaabeen baaxadda musiibada.

“Weerarradu waxay abuureen saddex god oo toddobo mitir ah waxayna aaseen in ka badan 20 teendho,” ayuu yiri Mr Maxamuud.

Related posts

Xiliga Laga Qabanayo Shirka Golaha Ee Xisbiga Wadani Oo La Shaaciyay Iyo Goobta Lagu Qabanayo

Abdiaziz Bnnstaff

Sheekh Shariif Oo War Kasoo Saaray Shirkii Nairobi Uga Socday Isaga Iyo Madaxweynaha

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu yahay hadalka aad u niyad jabiyay Itoobiya ee Soomaaliya ka sheegtay Qaramada Midoobay?

Abdiaziz Bnnstaff