Borama News Network

Carruurta Gaza ku nool oo sanadkii labaad oo xiriir ah aanay heysan Waxbarasho

Carruurta ku nool Magaalada Gaza ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah aadin Goobaha Waxbarashada maadaama Ciidanka Israa’iil ay burburiyeen Dugsiyadii ay dhiganayeen sida lagu sheegay Daraasad lagu sameeyay dhanka xaaladdooda tacliinta.

Dhowaan waxaa inta badan Caalamka dib loo furay Goobaha Waxbarashada oo waxaa si toos ah u billowday Sanad dugsiyeedka 2024/25 balse Carruurta reer Gaza iskaba dhaafee in ay tacliin helaan ma haystaan nabadgalyo iyo cunno.

Carruurta qaar ayaa ku sugan guryahooda, Waalidiintood ayay la qabaan walaaca Cabsida ah, mar haddii xili waliba ay maqlayaan hubka culus ee Israa’iil ku garaacayso Magaalada Gaza waxaa kusii kordha Walaaca ay qabaan.

“Waxa aan ku nool nahay xeradaan, Carruurteennu ma haystaan Goobaha Waxbarashada, Da’ ahaan waxa ay u dhaxeeyaan in ka badan 10 sano, Goobaha Waxbarashada waxaa galay oo Dad ku dilay Ciidanka Israa’iil, waa cabsi weyn oo sababtay in Carruurtayada si aan u kala fogaan isla wada joogno” Sidaasi waxaa Warbaahinta u sheegay mid kamid ah Waalidiinta Carruurtooda Waxbarasho la’aanta heysato.

Ciidanka Israa’iil oo aan u kala soocnayn Goobaha Waxbarashada, Caafimaadka, Xeryaha ay degen yihiin Dadka Barakacayaasha iyo meelaha colaaddu ka taagan tahay ayaa beegsaday dhammaan goobahaas, waxa ay ku dileen tobanneeyo ruux oo rayid ah, mana jiro xeer qabanaya ciidankaas tacadiga geysanaya.

Related posts

Xuutiyiinta Ayaa Sheegay In Ay Beegsadeen Markab Dagaal Oo Mareykanku leeyahay

Abdiaziz Bnnstaff

Urirka Hilaac Oo Mar Kale Ku Adkaystay In Aanu Ka Qayb Galayn Doorashada la Cayimay Wakhtigeeda

Abdiaziz Bnnstaff

In ka badan 50 qof ayaa kuleyl ugu dhintay Hindiya saddex maalmood gudahood

Abdiaziz Bnnstaff