Borama News Network

Xarumaha NATO oo feejignaan la geliyay kaddib cabsi laga muujiyay Ruushka

Saldhigyada Isbahaysiga NATO uu ku leeyahay Qaaradda Yurub ayaa markale feejignaan la geliyay kaddib markii cabsi xooggan ay ka timid dhinaca Ruushka oo muddooyinkii dambe raadinayay in uu dhulka la jaray saldhigyadaas.

Ilo dhanka sirdoonka ah ayaa Warbaahinta u sheegay in cabsida ugu weyn laga muujinayo saldhigyada ku yaalla Dalka Jarmalka maadaama marinka ugu dhow ee Ukraine laga taageerayo uu yahay sida hadalka loo dhigay.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa todobaadkaan wadaagay suuragalnimada weerarro lagu beegsado Xeryaha Gaashaanbuurta NATO uu ku leeyahay Qaaradda Yurub, sidaas awgeed CIA iyo MI6 ay kawada hadleen sidii looga hortagi lahaa.

Dhowr jeer waxa ay Xukuumadda Washington sheegtay in uu Ruushka doonayo beegsiga Xarumaha Isbahaysiga NATO si uu hoos ugu dhigo is difaaca Ukraine sida ay hadalka u dhigeen mas’uuliyiin katirsan waaxda Difaaca Maraykanka.

Related posts

“Dadka Reer Awdal Yaan Sidii Reer laascaanood looxoqin.” Ahmed Muumin Seed.

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya oo taageero Militeri weydiisatay Ciraaq oo horay uga soo adkaatay Daacish.

Abdiaziz Bnnstaff

Faahfaahin Kasoo Baxaysa Weerarka Dadku Ku Dhinteen Ee Ka Dhacay Dalka Australia

Abdiaziz Bnnstaff