Borama News Network

Ra’iisul Wasaare Xamsa & Madaxweyne Laftagareen oo kulan wadajir ah la qaatay Senatarrada Aqalka Sare ku metala Koofur Galbeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan gaar ah la qaatay Senatarrada Dowlad-Goboleedkaas ku metala Baarlamaanka JFS.

Waxyaabaha diiradda lagu saaray kulankaan waxaa kamid ah xoojinta is fahamka laga gaaray kulamadii ka dhacay Magaalada Baydhabo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ee dhexmaray Ra’iisul Wasaare Xamsa & MW Laftagareen.

Xildhibaannadaan kasoo jeeda Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed isla markaana xubnaha ka ah Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo u tegay la kulanka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa soo gabagabeeyay kulamo uu la qaatay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Xubnaha heer federaal, Heer Dowlad-Goboleed, Siyaasiyiin & qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Related posts

“Waanu joogaynaa ilaa ku dhawaaqista natiijada doorashada , kadibna warbixin ayaanu soo saari”

Abdiaziz Bnnstaff

Bada Dhiig Ayaan Udaadinaynaa Reer Awdal Kaca Muuse Biixi Waxaan Leenahay”Jahliyada Awdal Ee Irland

Abdiaziz Bnnstaff

Joe Biden Oo Markii Ugu Horraysay Dhowaan Cambaareeyay Siyaasadda Trump

Abdiaziz Bnnstaff