Borama News Network

Madaxweynaha Senegal Oo Kala Diray Baarlamaanka Dalkaasi Iyo Sababta Loo Kala Diray Oo La Shaaciyay

Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, ayaa kala diray baarlamaankii dalkaas oo badnaa xisbiyada mucaaradka, ka dib muddo shan bilood ah oo uu xafiiska hayay.Talaabadan ka dib ayaa madaxweynaha waxa uu fursad u heli doonaa in uu qabto doorashada,halkaas oo uu ku yeelan karo tiro badan oo xildhibaano ah sida ay sheegayaan warbaahinta dalkaas.

Waxaa la sheegay in go’aanka lagu kala diray baarlamaanka uu ahaa mid ay ansixiyeen baarlamaanka qudhiisu, wuxuuna u adeegsaday qodobka 87-aad ee dastuurka oo u ogolaanaya madaxweynaha inuu kala diro baarlamaanka kadib markii uu la tashaday madaxda sare ee dowladda.

Faye ayaa difaacay go’aankiisa, isagoo sheegay in xubnaha baarlamaanka “aysan ilaalinayn danaha muwaadiniinta Senegal.”Xildhibaanada ayuu ku dhaliilay in ay ka biyo diideen in ay ka doodaan Miisaaniyada dalka.

17-ka bisha November ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada xubnaha baarlamaanka cusub.

Related posts

Raysal Wasaare Xamse Bare Oo Magacaabay Wasiiro Cusub Oo Ka Mid Noqonaya Xukuumadiisa

Abdiaziz Bnnstaff

Trump oo ku wajahan Sacuudiga isagoo isha ku haya maalgashi uu ku sameeyo Mareykanka

Abdiaziz Bnnstaff

18 arday ah oo ku dhintay dab ka kacay kulleejo ku yaalla Kenya

Abdiaziz Bnnstaff