Borama News Network

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Oo NATO Uga Digay Dagaal Ay La Gasho Ruushka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay Nato inay halis ugu jirto inay dagaal la gasho Ruushka, haddii Yurub iyo Maraykanku u ogolaadaan Kyiv inay ku weeraraan dhulka Ruushka gantaallada riddada dheer ee reer galbeedka.

Putin ayaa u sheegay telefishinka qaranka Ruushka in tan “macneheedu uu yahay qaybgalka tooska ah ee dalalka Nato – Maraykanka iyo dalalka Yurub ee dagaalka Ukraine.”

“Waa ka qaybqaadashadooda tooska ah,” ayuu yiri. Isagoo intaa raaciyay “Iyo, dabcan, tani waxay si weyn u beddelaysaa nuxurka, dabeecadda iskahorimaadka.”

Waxa uu intaa ku daray: “Haddii ay taasi dhacdo, waxaan qaadan doonnaa go’aamo u dhigma oo ku saleysan hanjabaadaha naloo jeedin doono.”

Related posts

Baarlamaanka Ghana oo korontadii laga jartay kaddib markii lagu yeeshay lacag dhan $1.8 milyan

Abdiaziz Bnnstaff

Farmaajo Iyo Cabdiraxman Ciro Waxay Ku Balameen Midnimada Somaliya Iyo Somaliland” Siyaasi Maxamed Farax Miigane

Abdiaziz Bnnstaff

‘Qalbiga xanuun ayaan ka dareemayaa’: Hooyo Aamino oo wiilkeedii labaad looga dilay Canada

Abdiaziz Bnnstaff