Borama News Network

Dalka Sweden Oo Kumanaan Doollar Siinaya Dadka Dalalkooda Dib Ugu Laabanaya

Shalay oo Khamiis ahayd ayaa dowladda Sweden waxaa ay sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin lagu dhimayo tirada dadka soo galootiga ah ee dalka ku sugan.

Sannadka 2026-ka, dalka ayaa siin doona qof kasta oo ajnabi ah oo dalkiisa dib ugu laabanaya lacag dhan 350,000 oo karoon Swedish ah oo u dhiganta $34,000, sida ay hay’adda socdaalka ee dalkaas ku sheegtay shir jaraa’id.

“Waxaan qorsheyneynaa inaan keeno xoogaa isbedel ah,” ayuu yiri wasiirka socdaalka, Johan Forssell.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Ulf Kristersson, ayaa horey wacad ugu maray inuu dhimi doono socdaalka markii uu xafiiska la wareegay 2022-kii.

Dalka Sweden ayaa tan iyo sanadkii 1999-kii qaabiley dad badan oo soo galooti ah, kuwaas oo u badan dad ka yimid wadamada ay dagaalada ka socdaan sida Syria, Afghanistan, Soomaalia, Iran iyo Iraq.

Related posts

“Muuse shalay isaga lahaa Jabuutaawi ayaan ahay goor uu celiyey dhalashadii Jabuuti…”Caddaani

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Somaliland Iyo Heshiiska Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Somaliya Xasan Sheekh Oo Gaadhay Dalka Qadar Iyo Kulamo Uu La Yeelanayo Madaxda Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff