Borama News Network

Dowladaha Kenya Iyo Jarmalka Oo Wada Gaadhay Heshiis Dhanka Socdaalka Ah

Kenya iyo Jarmalka ayaa gaaray heshiis dhanka socdaalka ah oo lagu wado in la saxiixo galinka dambe ee maanta iyadoo madaxweyne William Ruto uu booqanayo Berlin.

Waxaa loogu talagalay heshiiskaan in loo fududeeyo shaqaalaha xirfadda leh ee Kenya inay shaqo ka helaan Jarmalka, gaar ahaan qaybta caafimaadka.

Heshiiskan ayaa sidoo kale fududeynaya dib u celinta dadka Kenyanka ah ee ku sugan Jarmalka iyaga oo aan heysan ogolaansho sharci ah.

Ilaa shan iyo toban kun oo Kenyan ah ayaa hadda ku nool Jarmalka — siddeed boqol oo ka mid ah dadkaas ayaa la sheegayaa in aysan xaq u laheyn in ay sii joogaan halkaa.

Related posts

Daawo Muuqaal Cajiib Ah Oo Lagu Soo Bandhigay Cududa Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff

Odayaal dhaqameed Beesha Bahabar Aadan oo ururka Barwaaqo iyo Murashaxq Wadani ku baaqay in loo codeeyo

Mustafe haji

Qaadashada Daawooyinka Aan Dhakhtarku Qurin Oo Sababay Dhimasho Deg deg Ah Iyo Dhakhaatiirta Oo Digniin Dirtay

Abdiaziz Bnnstaff