Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Odayaasha Iyo Wax Garadka Deegaanka Bacaadwayne

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan kula qaatay magaalada Gaalkacyo odayaasha dhaqanka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa ku boggaadiyey sida iskutashiga ah ee ay deegaankooda uga difaaceen weerarkii kooxda alshabaab ay ku soo qaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ku daydaan dadka Bacaadweyn, loona midoobo dagaalka lagula jiro argagixisada, si wadajir loogu ciribtiro.
Odayaasha Bacaadweyn ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug warbixin ka siiyey xaaladaha nololeed ee deegaanka, waxayna ka codsadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug in ay ku garab siiso horumarinta kaabayaasha bulshada.

Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo dhowaan ay weerar ku soo qaadeen Al-Shabaab ayay dadka deegaanku dagaal la galeen, waxaana dagaalkaas kla dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Masuuliyiinta Isbitaalka Gargaar Oo Ee Hargeysa Oo Ka Warbixiyay Nin Liqay Hilib 10cm Ah Oo Ay Ka Soo Saareen

Bnnstaff Bnnstaff

Wariye Coldoon Oo Lagu Waayay Wax Dambi Ah Ka Dib Markii Uu Mudo Dheer Xabsi Ku Jiray

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirka Borama Oo Sheegay In Magdhaw Ay Dowladu Siin Doonta Dadka Guryaha Uu Kaga Dhacay Mastar Plan-Ku

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More