Duqaymo Culus Oo Ka Dhacay Afganistan Iyo Xubno Ka Tirsan Daalibaan Lagu Laayay

Ugu yaraan 11 ruux oo shacab ah ayaa dhimatay, halka in ka badan 10-kalena ay dhaawacmeen, kadib duqeyn culus oo ka dhacday xarumo ay la haayeen ururka Taliban.

Xarumaha la duqeeyey ee Taliban ayaa ku yaalla gobolka Kunduz ee waqooyi bari dalka Afghanistan.

War-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Taliban ayaa duqeymahaas loogu tiiriyey ciidamada dowladda Afghanistan, iyagoo sheegay ay halkaas ku dileen ku dhawaad 40 ruux oo shacab ah.

Hasa yeeshee Taliban ma aysan ka hadlin waxyeelada ka soo gaartay dagaalamayaashooda.

Dhanka kale mas’uuliyiinta wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Afgaanistan ayaa sheegay in kooxda Taliban ay duqeymahaas uga dileen in ka badan 40-dagaalame.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

 

Related posts

Askar Maraykan Ah Oo Lagu Laayay Dalka Masar Iyo Turkiga Oo Shaaciyay Hub Cusub Oo Ay Samaysteen

Bnnstaff Bnnstaff

Al-Shabaab Oo Xalay Weerar Madaafiic Ah Ku Qaaday Saldhig Ay Leeyihiin Ciidanka Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Ka Mid Ah Wasiirada Xilka Laga Qaaday Oo Ka Hadlay Sobobta Xilka Looga Qaaday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More