Borama News Network

Afhayeenka Gaashaanka DFS oo sheegay in deegaanka Wargaadhi ay gacanta ku haayaan Ciidamada dowladda

Wararka ka imaanaya deegaanka Wargaadhi ee gobalka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Dagaalkii saaka ka dhacay ee u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al Shabaab, oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamda dowladda.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhiga Sheekh Abuukar Macalin oo wareysi siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in AS deegaanka Wargaadhi hal dhinac ka soo galeen oo ay hadda magaalada gacanta ku haayaan ciidamada dowladda.

“AS hal aag ayey magaalada Wargaadhi ka soo galeen, ciidanka Xoogga dib u gurasho xeelad dagaal ah ayey sameeyeen, dib ayey magaalada ugu soo laabteen, hadda waxaa gacanta ku haya ciidanka”. Ayuu yir, Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhiga Sheekh Abuukar Macalin.

Dagaalka saaka ayaa geystay khasaare kala duwan, iyada Dowladda Soomaaliya warsaxaafadeed kooban ka soo saartay dagaalka ku sheegtay in Al-Shabaab dagaalka looga adkaaday, oo laga dilay xubno ka tirsan kuwa weerarka soo qaaday.

Related posts

Mudaharaado ka dhan ah, xisbi doonaya in muhaajiriinta laga masaafuriyo Jarmalka

Abdiaziz Bnnstaff

Isreal Oo Ugu Danbayntii Si Toos Ah U Qirtay In Ayna Marna Cidhib Tiri Karin Xamaas

Abdiaziz Bnnstaff

laadiintan been-beenta ah ee dadka isku diraya hala xidho oo sharci halaga soo saaro” Faysal Cali

Abdiaziz Bnnstaff