Borama News Network

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS “Ciidanka dowladda ayaa hadda gacanta ku haayo deegaanka Sabiid iyo Caanoole”,

Wararka ka imaanaya Deegaanka Sabiib iyo Caanoole oo hoos yimaadda Degmadda Afgooye, ayaa la sheegay in ay halkaas dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed oo faahfaahin ka bixiyay ayaa sheegay in AS uu gaaray khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhawaac.

“Ciidanka ayaa hadda deegaanka Sabiid iyo Caanoole gacanta ku haayo, inkastoo tiro 30, ayaa laga dilay walow dib aan ka soo xaqiijin doonno”, ayuu yiri, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Dhinaca kale, Afhayeenka ayaa sheegay in hawlgallo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, lagu dilay xubno ka tirsan AS iyo gaari nooca dagaalka oo laga gubay.

Hawlgalkaan ay ciidamada dowladda sameeyeen ayaa ku soo aadayo xilli uu maalin ka hor uu gaaray deegaanka lambar 50, iyada oo maalmahii u dambeeyay ay ciidamada hawlgallo ka wadeen duleedka deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Related posts

Hindiya Oo Sheegtay In Pakistan Isticmaashay Gantaalo Dheereeya Si Ay u Beegsato Saldhigyo Ciidamada Cirka ah

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Dalbaday Kalfadhi Xilka Laga Qaadayo Maayir Mooge.

Abdiaziz Bnnstaff

Ukraine oo aqbashay soo jeedintii ‘xabbad-joojinta’ ee Maraykanka, muxuuse Ruushku odhan doonaa?

Abdiaziz Bnnstaff