Borama News Network

Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay in uu is hor istaagay weerarkii Israaiil ay la damacsanayd Rafax

Aqalka Cad ee Dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu hakiyay qorshaha duullaanka Israaiil ay la damacsanayd Magaalada Rafax ee Farastiin kaddib markii Washington ay ku adkaatay in ay dhinac iska dhigto qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Saraakiil ka socota Yuhuudda oo kulan wadatashi ah looga yeeray Aqalka Cad ayaa dhegaha loogu dhibciyay in aanay Washington suuragal ka dhigi Karin damaca Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ee la xiriira in uu duullaan ku qaado Rafax.

Maraykanka oo dhaqaalihiisa iyo hubkiisa ugu badan u gacangeliyay Israaiil kuna fashilmeen hadafkoodii ahaa soo furashada Maxaabiista gacanta Xamaas ku jira tan iyo 7dii Oktoobar 2023 ayaa markaan dejiyay qorshe cusub.

Warbaahinta qaar oo warbixinno kala duwan ka qortay arrintaan ayaa sheegtay in marka la eego go’aankaan uu noqon karo mid jawaab u ah diidmadii Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda wafdigii Tel Aviv ee Aqalka Cad wada-tashiga u tagi rabtay.

Maraykanka iyo Israaiil ayaa madaxa isla galay kaddib markii Xukuumadda Netanyahu ay ka waysay go’aanka diidmada qayaxan ee Washington ku hor istaagi kartay xabbad-joojinta uu meelmariyay Golaha Ammaanka Todobaadkaan.

Related posts

“Madaxwayne maanta wadanku is badal ayuu uu baahan yahay Reer Awdalna…” Gudoomiye Axmed Yasin Sh Cali Ayaanle.

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaaliland Waxaan leeyahay Gobolka Awdal iyagaa soo dirsaday Xildhibaan Maxamed Abiib matalaad ayuu ku joogaa Cid taaban kartaana malahan” Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka Xildh.Dr Maxamed Xasan Bulaale

Abdiaziz Bnnstaff

Marnaba Ma Aqbalayno In Itoobiya Badayada Laga Kireeyo Ama La Iibyo” Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff