Borama News Network

Aqalka Congress-ka oo loo gudbiyay Hindise Sharciyeed Maraykanka ugu baaqaya inuu Somaliland aqoonsado

Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka.

Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa la Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan.

Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sano jirsatay.
Sharcigu waxa uu soo jeedinayaa in Maraykanku si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal gooni ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya.

Hindise sharciyeedka ayaa waxaa kale oo ku jira in ay xafiis diblomaasiyadeed oo Maraykanku leeyahay laga samayso Hargeysa, caasimadda Somaliland, iyada oo loo marayo safaarad ama qunsuliyad.

Xeerku waxa kale oo uu qirayaa in Somaliland si joogto ah u qabatay doorashooyin nabad ah iyo sida ay uga go’an tahay dawladnimada dimuqraadiga ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday in ay madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991-kii.
Isla xildhibaankan ayaa sannadkii 2022-kii oo markaas ka tirsanaa guddi-hoosaadka arrimaha dibadda ee Aqalka Wakiilada Maraykanka, ayaa golaha wakiilada u gudbiyay hindise uu ku dalbanayo in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Perry ayaa markaas si toos ah ugu gudbiyay soo jeedinta congress-ka, iyo Golaha Wakiilada.

Guddiga arrimaha dibadda ee Perry ayaa sidoo kale u gudbiyay Congress-ka Maraykanka xeer ay ku doonayeen in ay xiriir diblomaasiyadeed iyo mid amniba la yeeshaan Somaliland.
Talaabadaas ee ay sharci-dajiyayaasha Maraykanku aqoonsiga ugu raadinayeen Somaliland inay tahay dal madax-banaan ayaa daba socday booqasho 10 maalmood ah oo markaas Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka Maraykanka.

Laakiin, Kooxda Siyaasadda, oo ah koox u ololaynaysay midnimada Soomaaliya ayaa markaas ku dhawaaqay inay ka soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen isku day lagu doonayo in lagu kala gooyo Soomaaliya.

Hindise sharciyeed xildhiban Perry ayaa ku soo beegmeysa iyadoo bishii hore uu xildhibaan Sir Gavin Williamson, oo ka mid ah Mudaneyaasha Barlamaanka Ingiriiska, sheegay in madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo inuu dal madax bannaan u aqoonsado Jahmuuriyadda iskeeda madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Xildhibaan Sir Gavin Williamson, oo hore u soo noqday Xoghayaha Difaaca ee UK, kana mid ah xildhibaannada u ololeeya aqoonsiga Somaliland ayaa u sheegay Wargeyska The Independent inuu wada wada hadallo la yeeshay mas’uuliyiin ku dhow dhow madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, kuwaas oo kala hadlay aqoonsi rasmi ah oo ay hesho Somaliland.

Xildhibaan Sir Gavin Williamson, waxa uu intaas ku daray inuu kalsooni ku qabo in Madaxweynaha Mareykanka ee la doortay uu ku kalsoonyahay inuu ka dhabayn doono aqoonsiga Somaliland, marka uu xilka la wareego bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2025-ka
“Waa in ay oggolaadaan oo nagu raacaan, inkastoo marka uu xafiiska la wareego Madaxweyne Donald Trump ay u badan tahay in ay qaadan doonto wakhti ka badan inta aanu rajaynayo,” ayuu yiri Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo la hadlayey Wargeyska Wargeyska The Independent, waxaanu intaasi sii raaciyey, “laakiin waxa aanu yeelannay kulamo wanaagsan dadka siyaasaddiisa hormuudka u ah, waanu isfahannay”.

Waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay Williamson in Madaxweynaha Mareykanku yahay in go’aan adag qaadan kara, isaga oo tusaale u soo qaatay muddo xilkeedkiisii hore tallaabooyinka uu qaatay “Mid ka mid ah amarradii ugu dambeeyey ee Trump qaatay muddo xilkeedkiisii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Mareykanka waxa ka mid ahaa in ciidamada Mareykanka ka saaro Soomaaliya, inkasta oo Biden ka hor yimid amarkaas. Ma jiro wax uu Trump ka neceb yahay, sidaas darteed waxaan u adeegsaday taas si aan u riixo dooddan (Aqoonsiga). “

Xildhibaan Sir Gavin Williamson, waxa uu muddo u ololaynayey in ay Somaliland aqoonsi caalami ah hesho, isaga oo dhaqdhaqaaqiisa taageero ee Somaliland soo bilaabay 2017 ilaa 2019 oo uu ahaa xoghayaha Difaaca ee Ingiriiska, isaga oo booqasho ku tegay Magaalada hargeysa.

Tan iyo wakhtigaas waxa uu barlamaanka Ingiriiska dhawr jeer kaga hadlay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, waxaanu muddo laba jeer ah booqasho ku tegay Hargeysa, isaga oo ah xildhibaan.

Somaliland ayaa 33 sanno ka hor ku dhawaaqday in ay ka madax bannaantahay Soomaaliya inteeda kale, hase yeeshee muddadaas ma jiro dal u aqoonsaday waddan madax bannaan.

Soomaaliya ayaa u aqoonsan Somaliland dhul geyigeeda ka mid ah.

Shacabka Somaliland, ayaa doortay Madaxweyne cusub doorashadii dhacday 13-kii Novermber, iyada oo murrashaxii Xisbiga Mucaaradku ka adkaaday madaxweynaha xilka ka sii degaya Muuse Biixi Cabdi, kaasoo isaguna shalay aqbalay natiijada.

Related posts

Nin La Ildaran Xanuunka Kansarka Oo Ku Guulaystay Lacag Bakhtiyaanasiib Ah Oo Lagu Sheegay1.3 Bilyan

Caaqil Sanyare Oo Kamid Ah Cuqaasha SSC Khaatumo Oo U Jawaabay Faysal Cali Waraabe Oo Oog Ka Hadlay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Dastuur Hadii La Dhameystiro Jilib Ma Tegi Kartaa Dowladdu, Muuse Biixi MaKa Hortistaagayaa Heshiiska Itoobiya ?

Abdiaziz Bnnstaff