Borama News Network

Ardayda Jaamacadda Columbia oo kordhiyay bannaanbaxa ay ku taageerayaan Falastiin

Ardayda Jaamacadda Columbia University ee Dalka Maraykanka ayaa kordhiyay dibadbaxyada ay ku taageerayaan shacabka Falastiin ee dhibaatooyinka xooggan kala kulmaya ciidanka Israaiil ee garabka ka helaya Dalalka Reer Galbeedka.

Maamulka Jaamacadda oo dhowaan qaatay go’aan culus oo ah in Ardaydu ay tacliinta ku qaadan doonaan muuqaalka fogaan-aragga si looga hortagayo dibadbaxyada sii xooggaysanaya ayaan baajin ama hakin tallaabadaas.

Ardaydu waxa ay ku doodeen in dhibaatooyin ka dhan ah Aadanaha ay ka dhacayaan Falastiin isla markaana aanay afka laga qabsan karin, waxa ay ku dodeen in ay doonayaan in xal loo helo si loo badbaadiyo dadkaas dhibaatada lagu hayo.

Waxaa is afgaran waa kusoo idlaaday kulan dhexmaray Maamulka Jaamacadda Columbia University iyo Ardayda dibadbaxa dhigaysa mar haddii lagu qancin waayay in wax laga qabto waxa uu salka ku hayo isusoo baxooda.

Meelo badan oo Maraykanka ah waxaa ka socda dibadbaxyo xooggan oo ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Joe Biden oo taageero aad u badan siisa Israaiil iyada oo weli la dhinac taagan sidii ay usii caawin lahayd.

Related posts

“Somaliland sidan ku socon mayso, madaxweynuhu miinuu xamnaarsan yahay ” Xildhibaan.Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff

Siyaasi Cali Guray Oo Dhaliilay Adag Ujeediyay Madaxwayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Doonaya In Uu Casilo Xildhibaan Ilahaan Cumar Ka Dib Markii Ay Taageero Xoogan U Muujisay Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff