Borama News Network

Askari Ka Tirsana Ciidamada Dawladda Oo Dil Toogasho lagu fuliyay

Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa maanta xukun dil ku ridey askari ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Koofur galbeed.

Askariga ayaa lagu helay inuu horey dil ugu gestey askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada daraawiishta Maamulkaas.

Cabdiraxiin Cismaan ayaa isla maanta dilka lagu fuliyey ayaa horey u dilay Ibraahim Aadan Salaad Wiirow.

Dilkaas ayaa dhowan ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay ka dib markii labada askari uu soo kala dhex galay khilaaf sababay gacan ka hadal.

Dadweyne fara badan ayaa iskugu soo baxay goobta ay ka dhaceysay fulinta xukunka toogashada.

Related posts

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee ku guulaysatay kursiga dumarka IGAD ee loo tartamay

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweynuhu Isagaa Dalka Dagaalka Galiyey, Ree Awdal ha is Hubeeyaan” Xil Ahmed yaasiin Huuno

Abdiaziz Bnnstaff

“Ma Aqbalayno Wax kasta Oo Qarannimada Somaliland Mugdi Gelinaya”Xisbiga Waddani

Abdiaziz Bnnstaff