Borama News Network

ATMIS oo Saldhigga Maxaas ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

ATMIS ayaa Saldhigga Howlgelinta Hormarinta Maxaas oo ay ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed taasoo qeyb ka ah wejiga Saddexaad ee socda. Sida lagu baahiyay bogga Facebook ee Hawlgalka Nabad-ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS.

Saldhigga oo ku yaalla gobolka Hiiraan, waa xaruntii lixaad ee milateri ee lagu wareejiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxa saadka ee ciidamada ATMIS, Col. Bosco Sibondavyi, ayaa ku ammaanay ciidamada ATMIS iyo kuwa Soomaaliya ilaalinta bulshada deegaanka iyo sugidda amniga gobolka.

Wakiilka Ciidamada Soomaaliya Lt. Xuseen Maxamed ayaa ku celiyay in ay diyaar u yihiin ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxa Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS, Patrick Duah, ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay UNSOS u leedahay taageeridda Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya ee geeddi-socodka nabadaynta

Related posts

Marnaba Ma Aqbalayno In Itoobiya Badayada Laga Kireeyo Ama La Iibyo” Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff

Awdal Iyo Hargeysa Ayaa Labo Calan Kala Qaadan Doona Hadii Ay Itoobiya Lughaya Timaada Muuse Biixiyoow” Siyaasi Abgaal

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaam Barkhadow Labo Kala Daa In Aad Gacanta Ku Horayso Dhakhtarkana Ku Horayso” Masuul Ka Tirsan Xisbiga Ucid

Abdiaziz Bnnstaff