Borama News Network

Australia iyo Shiinaha oo hagaajinaya xiriirkooda diblamaasiyadeed

Ra’isulwasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa Isniinta maanta ah ay booqasho uga billaabatay dalka Australia, booqashadaas oo noqotay tii ugu horreysay oo uu ra’isulwasaare Shiinees ah ku tago Australia muddo 7 sano ah.

Li Qiang wuxuu isla maanta la kulmay ra’isulwasaaraha Ausrtalia Anthony Albanese, iyaga oo wada hadlay xiriirka ganacsi, ammaanka gobolka iyo qoraa u dhashay Australia oo ku xiran Shiinaha.

Li, oo ah shakhsiga labaad ee ugu sarreeya Shiinaha marka laga yimaado madaxweyne Xi Jinping, ayaa booqashadiisa Australia loo arkaa mid calaamad u ah xasilinta xiriirka labada dhinac, kaddib mad-madow dib-lamaasiyadeed oo labada dhinac soo kala dhex galay, kaas oo ku qotomay xannibaad ay Beijing saartay badeecad lagu qiyaasay ilaa $20 bilyan oo dollar oo ay Australia u dirto Shiinaha iyo sidoo kale khilaaf ku saleysnaa arrimaha difaaca.

Ra’isulwasaaraha Australia ayaa wariyaasha u sheegay in ay “ay soo dhaweynayaan xasilinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee sii socda. Wadahadalkan ayuu ku sheegay mid u ogolaaday inay dhinacyada dhisaan wacyigelin qoto dheer oo ku saabsan danahooda,”

Related posts

Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Golaha Wasiirada Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu Salka Ku Hayaa Safarka Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Ee Dalka Turkiga Uu Ku Tegayo

Abdiaziz Bnnstaff

Kamala Harris oo durba hore ka bilawday eedaynta Trump xilli ololaheedii bilaw yahay

Abdiaziz Bnnstaff