Borama News Network

Baarlamaanka Somaliya Oo Ansixiyay Gudiga Doorashooyinka Oo Muran Badani Ka Taaganyahay

Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah oo ay yeesheen ku ansixiyey xubnaha cusub Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaasi oo shalay ay meel-mariyeen golaha wasiirada.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo natiijada codeynta ku dhowaaqay, guddiga ayaa kadib cod la qaaday waxaa ogolaaday 169 xildhibaan, lix xildhibaan ayaa diiday, mana jirin wax ka aamusay.

Xubnaha guddiga oo ka kooban 18-xubnood ayaa kulanka lagu dhaariyay.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in la dhameeyey dhammaan sharciyadii iyo guddiyadii ka shaqeyn lahaa doorasho toos ah ama qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.

Magacaabista guddigan iyo ansixinta hindise sharciyeedyada la xiriira doorashada tooska ah ayaa waxaa horey uga horyimid maamullada Jubaland iyo Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xubnahan ayaa ku eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh in uu sheegashada qabasho doorasho qof iyo cod ah ka dhiganayo wadda uu u maro muddo kororsi, ayaga oo sheegay in xilligan aysan doorasho noocaas ah ka dhicin karin dalka.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay arrintan isaga oo yiri, in ay aheyd mid ka mid ah ballan-qaadyadii uu ku galay doorashadii uu ku guuleystay bishii May 2022.

Related posts

Ugu yaraan 700 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka DR Congo tan iyo Axaddii – Qaramada Midoobay

Abdiaziz Bnnstaff

” Maanta ilaa maalintii la caleemo saaray waanu is Ag-joognay… ” Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Aaska Suldaan Bare Xaji

Abdiaziz Bnnstaff

Heshiis dhexmaray Dowladda Suuriya iyo Xoogagga Kurdida Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff