Borama News Network

Banaan Baxyo Rabshadl Wata Oo Ka Dhacay Dalka Bangladesh Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Mudaaharaadyo rabshado wato ayaa Jimcihi maanta mar kale ka dhacay dalka Bangladesh, iyadoo ay booliska iyo ardayda horkaceysa dibadbaxyada ay iskula dhaceen qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Dhaka.

Booliska ayaa adeegsaday suntan dadka ka ilmeysiisa, iyaga oo mararka qaarna ridayay rasaas nool. Wargeysa Prothom Alo ee dalkaasi ayaa ku warramay in adeegyada tareennada laga joojiyay guud ahaan waddanka, kaddib marki ay dibadbaxayaasha xireen waddooyin, halka kuwo kalana ay dhagxaan ku tuurayeen ciidamada amniga.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in la soo afjaro nidaamka cusub ee kootada shaqada, kaas oo dhigaya in ilaa 30% shaqooyinka dawladda la siiyo qaraabada dadki kasoo dagaallamay dagaalkii madax-bannaanida ee Bangladesh ee sannadkii 1971-kii.

Saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen bannaanbaxyadi maanta. Guud ahaan dadka ku dhintay tan iyo marki ay billowdeen bannaanbaxyadan todobaadki hore, ayaa waxaa ku dhintay dalka Bangladesh ilaa 27 halka ku dhaawacmeen ilaa 1,500.

Related posts

Macallin dhigayey Jaamacad laga barto caafimaadka oo ku taal dalka Bangladesh ayaa la xiray, maalmo ka dib markii uu xabad ku dhuftay arday imtixaan u fadhiyey. Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Sirajganj ee waqooyiga galbeed ee Bangladesh ayaa aad loola anfariirey markii la ogaadey in booliska ay ku qaadatay labo maalmood in ay xiraan ninka falka geystey. Raihan Sharif ayaa la xiray, dabeedna shaqada laga joojiyey markii ardaydii jaamacaddu ay ku dhaqaaqeen mudaharaad looga soo horjeedo weerarka lagu dhawacay saaxiibkood. Macluumaad dheeri ah lagama hayo sababta ka dambeysey dhacdan iyadoo ardayga dhaawacana uu isbitaal jiifo, macalinkana uu xabsi ku jiri Warbaahinta gudaha ayaa magaca dhibbanaha ku sheegtay Arafat Amiin Tomal oo 23 jir ah, kaasoo hadda ka soo kabanaya dhaawac ka so gaarey jilibka. Macallin Shariif ayaa wuxuu qori la soo galay fasal ay fadhiyeen 45 arday, ka dibna wuxuu xabad ku ridey ardayga dhaawacmay. Nasiib wanaag qaar ardayda ka mid ah ayaa macallinka isku duubay oo qol ku soo xiray, ka hor intii aan booliska loo yeerin.

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Socdaalka Somaliland oo Qabtay Nin Muuqaalo anshax Xumo ah iskaga duubey Hargeysa .

Abdiaziz Bnnstaff

DEG DEG Syria oo hogan Cusub yeelatay & Gudaha Guriga Bishaar Al-asad iyo wixii lagu arkay

Abdiaziz Bnnstaff