Borama News Network

Banaanbaxyo Waawayn Oo Lagaga Soo Horjeedo Ciidamada Maraykanka Oo Ka Dhacay Dalka Niger

Boqollaal qof ayaa isugu soo baxay Magaalada Agadez ee waqooyiga Niger, kuwaas oo dalbanaya in ay wadan kaasi ka baxaan kunka askari ee Ameerikaanka ah ee jooga.

Dibad baxa oo dhacay Axaddii ayaa waxa soo qaban qaabiyay urur taageera milatariga dal kaasi xukuma ee talada la wareegay sanad kii hore.

Mudaharaad kan ayaa imaanaya labo maalin uun kaddib markii Maraykanku ogolaaday in ciidamadiisa ka saaro dalka saaxilka afrika ku yaala, isagoo ka jawaabayay dalabka dawladda milatariga ee saldhigeedu yahay magaalada Niamey. Maraykanka ayaa sidoo kale ogolaaday in uu albaabada isugu dhufto saldhig ay ka kici jireen diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn, ee lagu bartilmaameed san jiray kooxaha islaamiyiinta Niger.

‘’Fariinteenu way caddahay: askarta ameerikaanka, shandaddihiina xirxirta oo ku laabta gurigiina,’’ ayuu u sheegay mid kamid ah dibad baxayaashu wakaaladda warrarka AFP.

Dibad baxayaasha ayaa la arkayay iyagoo lulaya calanka Ruushka, iyo calamada wadamada Burkino Faso, Maali iyo Niger.

Hoggaamiyayaasha milatariga ee wadamadan ayaa sii xoojinayay xiriirka ay la leeyihiin Moosko.

Related posts

“Xildhibaan Barkhad Batuun waxa uu nabar ku kasoo gaadhay saaxiibkii oo Maxamed Abiib…” Gudoomiye Xaashi

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg Madaxwayne Ku Xigeen Saylici Oo Kulan Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Aqoonyahanka Gobolka Awdal Iyo Arimaha Laga Wada Hadlayo

Abdiaziz Bnnstaff

“Khudbadu may Khusayn halalowsi iyo wax ka baxsan wixii logu talo galay ee Jidkeeda ayay haystay” Gudoomiye Cali Xaamud

Abdiaziz Bnnstaff