Borama News Network

Barlamaanka Zimbabwe oo korontadu ka tagtay xili ay ka doodayeen miisaaniyadda dalkaasi

Korontada ayaa ka tagtay aqalka barlamaanka dalka Zimbabwe xili uu hadal ka jeedinayay wasiirka maaliyadda Mthuli Ncube, waxana socotay dood ku saabsan hindisaha misaaniyadda.

Xiliga layrku damay waxa kale oo goobta fadhiyay madaxweyne Emmerson Mnangagwa iyo kuxigeenkiisa Constantino Chiwenga, waxayna madaxda iyo xildhibaannaduba muddo fadhiyeen hoolka mugdiga ah.

Dhacdada ka dhacday barlamaanka ayaa muujinaysa mushkiladda layrka ee ka jirta Zimbabwe, waxayna maalintii korontadu maqan tahay wax ka badan 12 saacadood, waxana loo aanaynayaa abaarta dabo dheeraatay ee keentay in uu qalalo biyo xireenka Kariba ee xooggiisa laga dhalin jiray korontada.

Afhayeenka shirkadda korontada ee Zimbabwe George Manyaya ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in aan la sii qorshayn in korontada laga jaro barlamaanka.

Afhayeenka waxa kale oo uu sheegay in sababta layrku uga tagay baralamaanka ay ahayd biriq ku dhacday halka uu dabku ka imaan jiray.

Related posts

Tigrayga Oo Diiday In Ay Wada Hadal Toos La Yeeshaan Dawladda Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Labo Wiil Oo Walaalo Ah Oo 12 Il Bidhiqsi Oo Kaliya Ku Dhacay Lacag Dhan 25 Milyan Oo Dolar Iyo Sida Ay Ugu Suuro Gashay

Abdiaziz Bnnstaff

Haayad Nagamay Caawin Kharashaadka Ku Baxay Imtaxaanaadka Somaliland Gudoomiye Daa’uud Gadhwayne

Abdiaziz Bnnstaff