Borama News Network

Baroordiiq looga dhawaaqay Iran iyo dadka oo loogu baaqay in ay guryaha joogaan

Baroordiiq ka jirtay dalka Iran ayaa isu rogtay caro ka dib markii qarax weyn oo ka dhacay dekedda ganacsi ee ugu weyn dalkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa subaxnimadii Sabtida ka dhacay Dekedda Shahid Rajaee, waxaana dad badan ay iska xaadiriyeen isbitaallada dalka si ay dhiig ugu shubaan.

Maalin ka dib markii falku dhacay, weli waxaa baxaya dab, iyadoo wax u eg daruur madow oo kiimiko ah oo sun ah ay qarisay hawada agagaarka goobta shilku ka dhacay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa kula talisay dadka deggan magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhow inay guryahooda joogaan “ilaa amar dambe.”

Magaalada Bandar Cabbaas, oo ku taal saldhigga ugu weyn ee ciidamada badda Iran, mas’uuliyiintu waxay amar ku bixiyeen dhammaan dugsiyada iyo xafiisyada in la xiro Axaddii si fududeeyo dadaallada degdegga ah, sida uu sheegay telefishinka dowladda.

Maamulka Iran ayaa ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah in ay tahay maalin baroor diiq ah guud ahaan dalka, iyadoo labo maalmood oo baroor diiq ah ay ka dhacayaan gobolka Hormozgan.

Related posts

Maxay Noloshooda Ku Danbeyn Kartaa Dadka Tahriibka Ku Gala Dalka Mareykanka?

Abdiaziz Bnnstaff

Israel oo walaac ka muujisay dhaq-dhaqaaq militari oo ay Masar ka waddo xuduudda

Abdiaziz Bnnstaff

Tallaal looga hor tagayo cudurka HIV AIDS oo la soo saarayo

Abdiaziz Bnnstaff