Borama News Network

Benjamin Netanyahu Iyo Wasiirka Amniga Israa’iil oo isku qabtay heshiiska Xabbad-joojinta Gaza

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu & Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben-Gvir ayaa isku qabtay heshiiska Xabbad-joojinta ah ee Yuhuudda iyo Xamaas dhexmaray, Wasiirkaas waxa uu kamid yahay xubno diidan in la galo xabbad-joojintaas.

Itamar Ben-Gvir oo kamid ah Yuhuudda fog ee xagjirka ah ayaa aaminsan in uu sii socdo dagaalka Magaalada Gaza balse Benjamin Netanyahu ayaa garowsaday in dagaalkaas uu dhibaato xooggan kasoo gaartay.

Ben-Gvir oo sameystay isbaheysi Wasiirro katirsan kuwa Dagaalka ee Israa’iil ayaa ku goodiyay in ay is casili doonnaan haddii la dhaqangeliyo xabbad-joojinta ay wada galeen Israa’iil iyo Xamaas si loo joojiyo dagaalkaas gardarrada ah ee xukuumaddiisa ku beegsaneyso Rayidka.

Netanyahu ayaa sheegay in uusan dheg jalaq u siin doonin kuwa diidan in xabbaddu istaagto kana shaqeynaya in colaad lagu hoobto ay noqoto bariga dhexe si dagaalladaan kumaanka ruux ay ku dhinteen, ku dhaawacmeen, ku hanti beeleen kuna barakacay ay usii socoto.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Dhalinyaro Tobabar Ciidan Ugu Maqan Dalka Dibadiisa

Abdiaziz Bnnstaff

DEG DEG:- Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Oo Ansixiyay Xeerka Ururada Siyaasadda Iyo Xisbiyada

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Oo Shaaciyay Ujeedada Dhabta Ah Ee Wadahadala Somaliya Iyo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff