Borama News Network

Benjamin Netanyahu oo Xaalku Ku Xun Yahay Iyo Cadaadis Xooggan Oo La Saaray

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya, kadib maalintii ugu darneyd ee khasaaraha ciidamada Israa’iil kasoo gaaray dagaalka Gaza, iyo sidoo kale dibadbaxyada isa soo taraya ee ka dhashay inuu ku guuldareystay inuu soo celiyo dadkii la qafaashay.

Istaraatiijiyada ciidamada ee dhulka falastiiniyiinta ayaa si weyn isha loogu hayaa kadib markii la dilay 24 askari maalintii isniinta, waana khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara Israel hal maalin gudaheed tan iyo markii uu bilowday duullaanka dhulka ee Qaza dabayaaqadii October.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah 21 askari oo kayd ah, kuwaas oo lagu dilay hal weerar.

Weerarkan oo loo adeegsaday baasuukayaal ku dhacay taangi iyo laba dhismo oo ay ciidamadu isku dayeen inay qarxiyaan, ayaa Netanyahu waxa uu ku tilmaamay “musiibo”.

Emmanuel Navon, oo ah bare wax ka dhiga jaamacadda Tel Aviv, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in khasaaraha ciidanku uu saameeyay qof kasta gudaha Israa’iil, madaamaama ku dhawaad qof kasta oo dalka ku nool uu wiilkiisa ama walaal ama qof qaraabo ah [uu ka dagaallamayo Gaza].”

Dhinaca kale, kala qaybsanaan ayaa ka dhex aloosantay golaha wasiirada dagaalka ee Netanyahu, kadib mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Tel Aviv iyo bannaanka gurigiisa oo ku yaala magaalada Qudus, halkaas oo ehelada la haystayaasha ay socod ku mareen, iyagoo ku dhawaaqaya “dhammaan iyo hadda” si ay ugu booriyaan soo celinta laheysteyaasha.

Related posts

Muxuu yahay Kaarka Buluuga ah ee muranka dhaliyey ee kubadda cagta lagu soo kordhiyey

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan muhiima la qaatay culimada waa weyn ee dalka

Abdiaziz Bnnstaff

Akhriso:- 5 Qodob Oo Kahor Imaanaya Fasiraadda Muuse Biixi Uu Ka Bixiyay Heshiiska Badda

Abdiaziz Bnnstaff