Borama News Network

Benny Gantz oo kamid ahaa Wasiirrada Dagaalka ee Xukuumadda Netanyahu oo is casilay.

Wasiirro katirsan Xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa billaabay in ay iska casilaan xilalka ay hayaan kaddib markii dagaallada ka socda dhulka Falastiin uu kusii adkaaday maalinba maalinta ka dambaysa mar haddii aanay si sahlan usoo afjarmayn.

Benny Gantz oo kamid ahaa Wasiirrada Metalayay Isbahaysiga Midigta fog ee loogu yeero kuwa dhexdhexaadka ah, waxa uu mar qura shaaciyay go’aanka wadna qabadka ku noqday Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu.

Cabsi iyo kala shakin wayn ayaa soo dhexgashay Xukuumadda Wasiirrada Dagaalka ee Netanyahu, waxa uu billaabay Benjamiin in uu raadiyo xalka ka damin kara xaaladahaan adage e ay wajahayso.

Benny Gantz ayaa horay uga digay is casilaadiisa haddii uusan Natanyahu la iman istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Gaza, xilli Isra’il ay sii wadday dagaal millatari oo ay ku dishay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Related posts

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Iiraan Ay Daldashay Ugu Yaraan 901 Qof Sanadkii 2024

Abdiaziz Bnnstaff

Ninka ‘ka tirsanaan jiray sirdoonka Soomaaliya’ ee hadda ka midka ah madaxda sar sare ee al-Shabaab Kooxda al-Shabaab

Abdiaziz Bnnstaff

Kamala Harris oo durba hore ka bilawday eedaynta Trump xilli ololaheedii bilaw yahay

Abdiaziz Bnnstaff