Borama News Network

Biden Iyo Netanyahu oo kawada hadlay qorshaha dagaalka Yuhuudda ee Rafax

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu oo xiriir telefoon rasmi ah wadaagay bil iyo maalmo kaddib ayaa kawada hadlay qorshaha cusub ee dagaalka Yuhuudda ay la damacsan tahay Rafax.

Joe Biden ayaa Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Netanyahu uga digay dagaal toos ah oo uu ku qaado rafax ama duqayn uu ku beegsado sabab la xiriirta in ay ka fakirayaan Dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ah ee halkaas degen sida hadalka loo dhigay.

Waxaa bannaanka usoo baxay hadal kaas ka duwan oo ah in Biden uu u diiday dagaalka Yuhuudda xiligaan ay tahay in jab ka wayn kan kasoo gaaray Gaza iyo Khaan-Yoonis in ay la kulmi karaan haddii aan la saldhigin Istaraatiijiyad cusub oo ka duwan tii hore.

Benjamin Netanyahu ayaa dhiig-bax badan ku dhacay waxaana uu waayay saraakiil katirsan ciidamadiisa qaybaha kala duwan halka askartiisa kuwa lagu tilmaamo in ay yihiin kuwa ugu awoodda badan ay gacan ka taageen dagaallada lugta ah ee socda.

Xoogagga wax iska caabbinta Falastiin ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin difaaca ay ku jiraan in ay sii kordhiyaan isla markaana khasaaraha ugu badan ay gaarsiinayaan Yuhuudda iyo xulufada la safan ee ku garabsiinaya duullaanka gardarrada ah.

Related posts

“Ninka 15 Sanno Madaxweyne Ku Xigeenka Ahaa Ee Markuu Rawaxay Yidhi ..” Wasiir Buuxane

Abdiaziz Bnnstaff

24 Qof Ku Dhintay Qarax Dhacay Dalka Pakistan Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Qaraxaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Taliskas Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Taliyihii Ciidanka Danab Ee Jubaland

Abdiaziz Bnnstaff