Borama News Network

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askari ku eedaysan in uu sameeyay ‘Kicin Bulsho

War kasoo baxay Taliska Booliiska gaar ahaan qaybta Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Degmada Dayniile lagu soo xiray Askari ku eedaysan in uu ishortaag ku sameeyay amar maxkamadeed isla markaana sameeyay Kicin Bulsho.

Qoraalka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay Magaca Askarigaan katirsan Ciidamada Qalabka sida oo lagu magacaabo Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib) iyo xogta eedda loo haysto oo kooban.

Booliiska ayaa sheegay in Cadaawe Jiib loo gudbinayo Maxkamadda awoodda u leh kiiskiisa si loogu ciqaabo eedaha loo jeediyay ee ah diidmada go’aan maxkamadeed iyo kicinta bulshada sida hadalka loo dhigay.

Ciidamada Booliiska qaybta Gobolka Banaadir ayaa todobaadkaan xiray in ka badan 30 ruux oo ku kala eedaysan kicin Dadweyne, iska hor keenidda Bulshada & dambiyo kale, Afhayeenka Booliiska oo dhowaan hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigi doonno cid weliba oo qaadda tallaabo ka dhan ah Sharciga.

Related posts

Sidee ayay Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ku heshay burburka Diyaaraddii Helicopter-ka ee Ibrahim Raisi?

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Wadani Iyo Xasan Sheekhba Waxay Rabaan In Aan Somaliland La Ictiraafin” Wasiir Buuni

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladaha Somaliya Iyo Turkiga Oo Kala Sexeexday Heshiis Difaac Oo Cusub

Abdiaziz Bnnstaff