Borama News Network

Booliiska Hindiya Oo Baaraya Dadkii Dhaawaca Halis Ah u Geystay Jilaaga Saif Ali Khan

Booliiska Hindiya ayaa billaabay howlgal culus oo ka dhan ah sidii loosoo qaban lahaa Dadkii Mindida ku dhaawacay Jilaaga caanka ah ee Saif Ali Khan, Ninkaan ayaa lala dhacay ilaa shan mindi oo looga duray qaybo kala duwan oo Jirkiisa ah.

Waxaa lagu daweynayaa mid kamid ah Isbitaallada gaarka ah ee Mumbai, waxaana billowday baaris la xiriirta in la dabagalo kaamirooyinka ku dhegan goobta lagu beegsaday Ninkaan oo kamid ah Jilayaasha shirkadda Bollywood.

Saif Ali Khan waa 54 jir, waxaa dhowr jeer loogu hanjabay in la dili doonno haddii fursad ay ku helaan kooxo doonaya in ay lacago ka qaataan kuwaas oo burcadda ugu weyn ee beegsato Dadka Hantida heysta iyo kuwa magaca ka sameeyay Dalkaas.

Booliiska Hindiya ayaa dhowaan soo rogay xeer lagu xoojinayo kordhinta ilaalada dadka u nugul in la beegsado, waxaa ilaalo gaar ah loogu sameeyay guryahooda halka marka ay Magaalada aadayaan loo ogolaaday in ay wataan hal qof oo waardiye ah.

Related posts

Isreal Oo Duqayn Ku Laysay Dad Shacab Ah Oo Ku Nool Daanta Galbeed Ee Qaza

Abdiaziz Bnnstaff

Daqiiq Dhacday Oo Dhawaan Lagu Qabtay Dekeda Muqdisho Oo Suuqyada Lagu Fasaxay Si Loo Iibiyo Ka Dib Wadahal Dhacay

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Guruuje Oo Ka Hadlay Wada Hadalada U Dhexeeya Somaliya Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff