Borama News Network

Booliiska Jarmalka oo baadigoobaya Nin Mindi ku dilay 3 ruux kuna dhaawacay 4 kale

War kasoo baxay Booliiska Jarmalka ayaa lagu xaqiijiyay in weerar uu fuliyay qof watay Mindi ama Toorreey uu weeraray goob ay ka socotay xaflad lagu maamuusayo sanadka 650aad ee aasaaska Magaalada Solingen ee Dalkaas.

Inta la shaaciyay waxaa geeriyootay saddex ruux halka ay ku dhaawacmeen afar kale, waxaana dhacday isbuurasho sababtay in dad kale waxyeello kasoo gaartay maadaama marqura uu isbaddelay jawiga goobta sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Qoraalka Booliiska Jarmalka ayaa lagu sheegay in weerarkaan uu dhacay 10kii Habeennimo waqtiga Dalkaas, waxaana Ninka weerarkaas fuliyay u suuragashay in uu ka baxsado goobta inkasta oo ay socdaan dabagal lagu hayo.Magaalada weerarkaan loo adeegsaday Mindida uu ka dhacay waxa ay ku taalla Gobolka ugu Dadka badan ee Dalka Jarmalka ee lagu magacaabo North Rhine-Westphalia, waxa uu xigaa Xadka Waddankaan uu la leeyahay Netherlands.Arrin ku cusub ma ahan Dalka Jarmalka in Qof Mindi wata uu beegsado Dad isugu tagay mid kamid ah Goobaha Bulshadu isugu timaado, waxaana Dowladdu ay horay u mamnuucday in la qaato Toorreyda si looga hortago weerarro lamid ah kan hadda dhacay.

Related posts

Maxamuud Xaashi Iyo Xildhibaan Khaliif Oo Fagaare Ku Waydiiyay Wasiir Maxamed Kaahin Waxa Hor Taagan Gobolnimada Caynabo

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Dowladda Federaalka oo dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka dhana ah ‘AS’ kawada Gobolka Galgaduud

Abdiaziz Bnnstaff

” Gadabuursi iyo Maxamed Case Isagaa Khasaariyey 14 sanno ee u dambeeyey ” Axmed Xaaji Daahir

Mustafe haji