War kasoo baxay Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in xubno katirsan ‘AS’ ay weerareen Xero ku taalla Deegaanka Faafi ee Magaalada Gaarisa, waxaa ku dhintay 6 askari oo katirsan ciidamda Kaydka ee Booliiska sida lagu xaqiijiyay bayaanka.
Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan maydadka labo kamid ah raggii katirsanaa ‘AS’ ee weerarkaas fuliyay, waxaa baaris ku haya waaxda dambiyada Booliiska si ay u ogaadaan deegaanka ay kasoo jeedaan.
Wargeyska The Star ayaa sheegay in xubnaha katirsan ‘AS’ ay baxsadeen qaarkood iyaga dhaawac ah, waxa ay afduubteen dad ku sugan deegaanka faafi ee Ismaamulka Gaarisa oo weerarkaas uu ka dhacay.
Afhayeenka Adeegga Booliiska Qaranka Michael Muchiri ayaa sheegay in ay xoojiyaan dedaallada lagu sugayo amniga isla markaana looga hortagayo weerarro cusub oo ‘AS’ Fulisa, waxa uu xusay in ciidamo dheeraad ah la geeyay Deegaanka Faafi.