Borama News Network

Booliiska Soomaaliya oo baaraya Rag hubaysan oo ku eedaysan Dilal ka dhacay Muqdisho

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen afar ruux oo qaarkood ah askar kuna eedaysan in ay gaysteen Dilal ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qoraalka Booliiska ayaa lagu sheegay in Raggaan gacanta ku dhigay lagu wado baaris isla markaana marka uu soo dhammaado kaddib ay u gudbin doonaan Hay’adaha Garsoorka Dalka si loogu qaado ciqaabta kiiska ay ku eedaysan yihiin.

Afarta eedaysane ayaa kala ah:

1-Eedeysane Dable Xoogga Daa’uud Bashiir Colow oo loo heysto dilka Marxuum Saciid Cabdi Muuse, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Dharkeynley.

2-Eedeysane Alifle Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo Eedeysane Cabdulqaadir Maxamed Xasan oo dhaawac ah waxaa loo haystaa Dil ay u gaysteen Marxuum Aweys Xuseen Jeylani, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Xamarjajab.

3-Eedeysane Maxamed Cabdi Maxamed waxaa loo haystaa Dilka Cabdullaahi Abuuukar Yuusuf, wuxuuna dilkaasi ka dhacay Dagmada Dayniile.

4-Eedeysane Dable Yuusuf Cali Macoow waxaa loo haystaa dilka Marxuum Maxamed Axmed Nuur, waxaana Dilkaas uu ka dhacay Dagmada Hiliwaa.

Booliiska Soomaaliya oo adeegsanaya Xogo iyo macluumaad kale oo qaarkood uu ka helay kaamirooyinka lagu xiray Caasimadda ayaa gacanta ku dhigay Dad isugu jira Askar iyo kuwo Shacab ah oo ku eedaysan Dilal ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ugu dambayn, Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Shacabka ku sugan Magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku hareeraysan ka dalbaday in ay lasoo wadaagaan falalka amniga liddiga ku ah ee xogtooda ay helaan ama hayaan.

Related posts

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalihii la socday lagu dilay, ugu yaraan afar kalena lagu dhaawacay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaadeen markab ganacsi meel ku dhow Yemen. “Abaarihii 11:30 subaxnimo (waqtiga Sanca) ee 6-dii Maarso, ayaa gantaal nooca ballistic-ga ah (ASBM) laga soo riday aagagga ay argagixisada Xuutiyiinta Yemen ka taliyaan ee Iran ay taageerto, kaasoo lagu weeraray markabka M/V True Confidence, oo uu ka babanaayo calanka Barbados, Laybeeriya. isagoo u sii gudbaya Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu warka lagu sheegay warka Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka “Gantaalka ayaa ku dhacay markabka, shaqaalaha caalamiga ah waxay soo sheegeen saddex dhimasho ah, ugu yaraan afar dhaawac ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay, iyo burbur weyn oo soo gaaray markabka.” Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in kani uu yahay gantaalkii shanaad ee ka hortagga maraakiibta ballistic-ga ee Xuutiyiinta ay rideen labadii maalmood ee u dambeeyay.

Abdiaziz Bnnstaff

Axmed Madoobe muxuu yahay? lama aqoonsana Madaxweyne maaha”Wasiir u dowlaha Gaashaan-dhigga

Abdiaziz Bnnstaff

“Waxaa innagu yar wax wada lahaanshaha…” Xildhibaan Maxamed Abiib.

Abdiaziz Bnnstaff