Borama News Network

Booliska Caalimiga Ah Ee Interbool Oo Garoowe Ka Soo Dejiyay Eedeysane Laga Soo Qabtay Dalka Dibadiisa

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa maanta ka dejiyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Puntland Eedeysane Maxamed Cumar  Ciise, kaas oo maalin ka hor laga soo qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

War ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiriirka dibadda (Interpol) ee Boliiska Soomaaliyeed ay subaxnimadii hore ee saaka diyaarad ku qaaday Eedaysanaha kaas oo horay u dilay marxuum Maxamed Axmed Faarax.

Sidoo kale warka ka soo baxat ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu xusay in eedaysanaha uu marxuumka dilay May 17, 2024-ka, iyada oo waaran soo qabasha ah uu bixiyey xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Eedeysane Maxamed Cumar  Ciise ayaa ciidanka Interpol oo ka dajiyey magaalada Garoowe waxa ay ku wareejiyeen laamaha Ammaanka ee gobolka Nugaal, kuwaas oo la sheegay in ay horgeyn doonaan Maxkamadaha Awooda u leh.

Related posts

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Sheegay In Looga Yeeshay Madaxtooyada Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Dhex Maray Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Madax Dhaqmeedka Gobolka Sanaag?

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Hor Keenah Miisaaniyada Sanadeedka 2025

Abdiaziz Bnnstaff