Borama News Network

Booliska Dalka Canada Oo Xabsi Dhigay Sadex Nin Oo U Dhashay Dalka Hindiya Iyo Sababta Loo Xidhay Ragaasi

Booliska Canada ayaa Jimcihi shalay xiray isla markaana dacwado kusoo oogay saddex nin oo Hindi ah, oo looga shakisanyahay in ay dileen Hardeep Singh Nijjar oo ahaa hogaamiye ka tirsan koox gooni u goosad ah oo u ololeysa madaxbannaanida dadka Siiqa ee Hindia.

Nijjar, oo ahaa 45 jir ayaa bishii June lagu toogtay bannaanka macbad ay bulshada Siiqa Hindiya ku leeyihiin degmada Surrey ee magaalada Vancouver.

Bilo yar kaddib, ayuu ra’isulwasaaraha Canada Justin Trudeau sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in dowladda Hindiya ku lug laheyd dilka hogaamiyaha, arrintaas oo dhalisay qalalaase diblamaasiyeed oo soo kala dhexgalay Ottowa iyo New Delhi.

Booliska Canada ayaa magacaabay saddex nin ee la xiray, kuwaas oo kal ah Karanpreet Singh, oo 28 jir ah, Kamalpreet Singh, oo 22 jir ah iyo Karan Brar oo 22.

Safaaradda Hindiya ee Ottawa ayaanan wali ka jawaabin xariga loo geystay saddexdaasi dhalinyaro ee Hindiya kasoo jeeda ee looga shakisanyahay falka dilka hogaamiyihii kooxda gooni-u-goosadka Siiqa Hindiya.

Nijjar ayaa ahaa muwaadin heysta dhalashada Canada, wuxuu u ololeyn jiray in la abuuro qaran loogu magac-daray Khalistan, kaas oo damacu yahay in ay harsadaan bulshada Siiqa ama Singa-singaha Hindiya.

Related posts

Dowlada Uk Oo Shaacisay In Ay Ciidamo U Dirayso Dalka Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff

MURUGO: Lamaanihii u dalxiis tagay Xeebta Liido balse kuwada geeriyooday oo hal goob lagu wada aasay

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Duqaymaha Cirka Ee Lagu Qaaday Daacish

Abdiaziz Bnnstaff