Borama News Network

Booliska Jubaland oo gacanta ku dhigay koox arday ka tahriibineysay deegaannada maamulkaas

Booliska maamulka Jubaland ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyen deegaanno ka tirsan maamulkaas ay ku soo qabqabteen dad dhalinyaro ah oo arday ah iyo mukhallasiin dooneyay in da’yartaas ay tahriibiyaan.

Mas’uuliyiinta booliska ayaa sheegay in kooxda tahriibinta wadday ay tahay shabkad isku xiran isla markaana ay hadda iyaga iyo gaadiidkii ay adegsanayeen ay gacanta ku hayaan, maxkamadna ay soo taagi doonaan dhawaan.

Waalidiinta ayay ku booriyeen boolisku in ay ka war-qabaan ubadkooda xilliyada wax barashada ay ku jiraan.

Inkastoo dadkaan lagu soo qabqabtay howlgal qaatay ugu yaraan 48 saacadood, haddana boolisku ma sheegin halka loo tahriibinayay ardayda ay ka badbaadiyeen in dalka si qarsoodi ah looga dhoofiyo.

Related posts

” Itoobiya Damac Kama Dhamaado Anaga Inaan Iska celino Kama Daalno Dagaalna Diyaar Baan U Nahay” .Abwaan Guure

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo :- Dhacdooyinka Yaabka Leh Ee Ay Kaluumaystada Degmada Maydh Kala Soo Kulmeen Badda

Abdiaziz Bnnstaff

13 sanno ka dib AS oo xayiraaddii dhulka ka qaaday degmooyinka Xudur, Waajid, Diinsoor, & Qansaxdheere

Abdiaziz Bnnstaff