Borama News Network

Booliska Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Ajaaniib Lagu Eedeeyey In Ay Muqdisho Ka Qaateen Dahab

Ciidanka Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar ruux oo ajaanib ah kuwaas oo ku eedeysan inay Magaalada Muqdisho ka qaateen Dahab gaaraya 940 Garaam ayna baxsad ka ahaayeen cadaaladda.

Eedaysanayaasha Boliisku qabtay ayaa lagu kala magacabaa Cabdikariin Axmed Almuhamed, Jamiila Qasi Yuusuf, Cabdalla Cabdikariim Axmed, iyo Malay Cabdi bdikarim Ahmed oo dhamaan ka soo jeeda dalka Suuriya.

Booliiska magaaladda Qardho ayaa sheegay in xubnahaan oo u dhashay dalka Suuriya saaka lagu qabtay Qardho lana horgeyn doono Cadaaladda si wax looga waydiiyo Eedaha loo haysto,boliiska magaaladda Qardho oo gacanta ku dhigay Eedaysanayaal u dhashay dalka Suuriya.

Warka ka soo baxay ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu yiri, “Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.”

Related posts

Madaxweynihii Koonfurta Kuuriya Oo Si Rasmi Ah Looga Mamnuucay Xafiiska

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Erdogan: Netanyahu ayaa mas’uul ka ah xiisadaha Bariga Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo:- Waxa Kala Qabsaday Prof Axmed Ismaaciil Samatar Iyo Ardayda Jaamacadda New Generation?

Abdiaziz Bnnstaff