Borama News Network

Cabsi ka dhalatay Cimillada & Webiga Seine oo tartama qaar ee Olombikada loo joojiyay

Waxaa hakad muddo kooban ah la geliyay tartama qaar ee qaybta ka ah Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Dalka Faransiiska sanadkaan lagu qabtay sababo la xiriira Isbaddelka Cimillada iyo walaac laga muujiyay tayada Biyaha Webiga Seine.

Webigaan ayaa dhaca Jihada Waqooyi ee Dalka Faransiiska waxaana xubnaha Guddiga sida gaarka ah ugu qaabilsan arrintaan tartanka ah ay sheegeen in ay muddo kooban u joojiyeen ciyaartii Ragga ee halkaas ka dhici lahayd maanta oo Talaado ah & Berri oo Arbaco ah.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in uu wasaqeysan yahay Webiga sidaas awgeed loo joojiyay in ay tartamayaasha galaan si ay dabaal uga gudbaan xisaabta loogu talagalay in ay ku dabaashaan ama ku gaaraan meelaha loo asteeyay.

Haweeneyda Duqa Magaalada Paris ka ah ee lagu magacaabo Anne Hidalgo ayaa Warbaahinta u sheegtay in uu Webiga Seine nadiif yahay oo aanay jirin wararka sheegaya isla markaana Warbaahinta oo taagan ay dabaal ku gashay ugana soo baxday.

“Biyaha Webiga Seine waa nadiif waana nabad mana jiraan caqabad ama halis ka jirta, wuu ku filan yahay martigelinta tartamaya loo qorsheeyay in lagu qabto, ” Ayay tiri Anne Hidalgo oo ah Maayarka Paris.

Dowladda Hoose ee Paris ayaa 26kii Bishaan July waxa ay ku qarashgareysay hagaajinta Webigaan lacag dhan £1.2 bilyan oo Yuuro balse lacagtaas meesha kama saarin cabsida laga muujiyay oo xitaa gaartay in tartamada qaar la baajiyo.

Related posts

Maraykanka oo sheegay in uu ka fiirsanayo cunaqabatayn dheeraad ah uu kusoo rogo Ruushka.

Abdiaziz Bnnstaff

“Gudoomiye Xirsi Haka Waramo Dal-dalaadii ka Dhacdey Gurigiisa…” Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

“Dagaal laguma midaysna, Madaxweynuhuna Jiida hore ee ciidanka muu gaadhin” Siyaasi Muniir

Abdiaziz Bnnstaff