Borama News Network

Cadho Xoogan Oo Ka Dhalatay Goob Jimicsi Oo La Sheegay In Loogu Talo Galay Kaliya Haweenka Ilbaxa Ah

Goob jimicsi oo ku taalla Kuuriyada Koofureed ayaa mamnuucday “haweenka waaweyn” ee sida xun u dhaqmaya, taasoo keentay dood ku aaddan takoor ka dhan ah haweenka da’da ah ee dalkaas.

Jiimka oo ku yaalla magaalada Incheon meel u dhow caasimadda Seoul ayaa waxaa lagu dhejiyay boor ay ku qoran tahay “looguma talogelin ajummas” “keliyana haweenka ilbaxa ah ayaa loo oggol yahay”.

Ajumma waa eray dalkaasi looga yaqaanno haweenka waaweyn – caadiyan-30meeyada iyo wixii ka korreeya – balse waxaa sidoo kale loo adeegsadaa dhaqamada aan habbooneyn.

Wararka gudaha ayaan lagu magac-dhabin jiimka iyo milkiilahaba. Hase yeeshee wuxuu milkiiluhu difaacay tallaabadan, isagoo sheegay in shirkaddiisa ay khasaare kasoo gaartay haweenkan iyo dhaqamadooda aan xadka lahayn.

Wuxuu sheegay in haweenka da’da ah ay saacado ku qaataan qolka dharka la isaga beddelo si ay dharkooda ugu dhaqdaan, iyagoo sidoo kale xadaya alaabaha sida tuwaalka, saabbuunta iyo agab kale.

Related posts

“Qarankayga Anigu ceeb Iyo Qaawanaan Dambe Lama Jecli, Xukuumaduna..”. Xildhibaan Axmed Khaliif

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Si Adag Uga Hadlay Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya Xili Somaliya Ay Difaaca Bada Ku Wareejisay Turkiga

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Wasiirrada DG Puntland oo kahor yimid ansixinta 4ta cutub ee qabyo-tirka lagu sameeyay

Abdiaziz Bnnstaff