Borama News Network

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo howlgallo ka wada Jubada hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubaland ay halkaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta maamulka Jubaland, ayaa lagu sheegay in deegaanada Harboole iyo Weelmaro oo u dhow degmooyinka Afmadow iyo Xagar ee gobolka Jubada hoose, ay ka socdaan howgallo lagu wajahayo Shabaab loogana saarayo deegaannadaas sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Warka ayaa intaa ku daraya in qorshuhu yahay in toddobaadkaan ay ciidamadu qabsadaan deeegaannada Xagar iyo Jamaame.

Saraakiisha hoggaamineysa howgallada ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in u jeedka howlgallada saaka uu yahay in ay gacanta ku dhigaan deegaanno muhiim ah oo hadda Al-Shabaab gacanta ugu jira.

Related posts

Daraasad muujisay seddex milyan oo carruur ah oo u dhimatey arin la xiriirta ijirkooda oo qaadan waayey dawada

Abdiaziz Bnnstaff

Toogasho Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacday Dalka Mareykanka Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Toogashadaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Haday Somaliya Waalato Iyo Haday Libaaxyo Keento Somalilaan Aqoonsiga Way Helaysaa , Falaqeeye Siyaasaded Dr. Cabdi Cabilahi

Abdiaziz Bnnstaff