Borama News Network

Ciidamada Israa’iil Oo Markii Ugu Horreysay Qirtay In Ay Ka Gaabiyeen In Xamaas Ay Ka Difaacaan Deegaan u Dhow Qasa

Tiro badan badan oo dad ah ayaa lagu deegaanka Kibbutz Be’eri marka loo eego bulshooyinka kale ee Israa’iil ee la kulmay weeraradii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar sanadkii hore.

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa ku baaqay in dowladda ay baaritaan ku sameyso waxa keenay weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar, halka ay ciidamadu qirteen in ay gudan waayeen waajibaadkoodii ahaa in ay difaacdaan bulshada isla markaana lagu dilo dad gaaraya 101 qof Kibbutz Be’eri.

Yoav Gallant ayaa hadalkan sheegay ka dib markii warbixintii ugu horreysay ee ciidamada Israa’iil ay si cad u sheegtay sida ay ciidamadu u fuliyeen howlgallada Kibbutz Beeri, oo u dhow Qasa.

Dilka ayaa dhacay kadib markii rag hubeysan oo Xamaas ka tirsan ay gudaha u galeen guryihii ay degganaayeen.

Gallant waxa uu sheegay in loo baahan yahay baaritaan qaran oo madax-banaan si loo ogaado ficilada dhammaan kuwa awoodda haya, oo uu ku jiro ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu, iyo qaabka ay u kortay awoodda Xamaas tobankii sano ee la soo dhaafay.

Ku dhawaad ​​1,200 oo qof ayaa lagu dilay 251 kalena waxaa lagu qafaashay Qasa weerar kedis ahaa oo dhacay sanadkii hore.

Weerarkan ayaa dhaliyay howlgal ballaaran oo ciidamada Israa’iil ay ka fuliyeen marinka Qasa kaasoo ay ku dileen in ka badan 38,000 oo Falastiiniyiin ah.

Related posts

Wadooyinkii Magaalada Borama Oo Badankoodii Burbureen Iyo Masuuliyiintii Dowlada Hoose Ee Borama Oo La Baafinayo

Abdiaziz Bnnstaff

Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay in uu is hor istaagay weerarkii Israaiil ay la damacsanayd Rafax

Abdiaziz Bnnstaff

Donald Trump Oo Malaayiin Doolar Oo Xaal Iyo Xumayn Ah Looga Qaaday Gabadh Uu Fara Xumeeyay

Abdiaziz Bnnstaff