Borama News Network

Ciidamada Israa’iil oo wiil dhaawac oo falastiini ah ku xir-xiray afka hore ee gaari ay wateen

Milatariga Israel ayaa sheegay in ciidamadoodu ay jebiyeen hab-maamuuska kadib markii nin Falastiini ah oo dhaawac ah ay ku xireen afaafka hore ee gaarigooda intii uu socday hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Jenin ee daanta galbeed.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa dhacdadan xaqiijiyay kadib markii laga soo duubay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada.

Bayaan kasoo baxay Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa lagu sheegay in ninkan uu ku dhaawacmay rasaas ay isweydaarsadeen intii uu socday weerarka, uuna ahaa tuhmane.

Ehelada ninka la dhaawacay ayaa sheegay in markii ay dalbadeen ambalaas ay ciidamadu kaxeysteen, kadibna ay ku xireen boonedka ama afka hore ee gaariga oo noociisu ahaa Jeep ay wateen kadibna ay kaxeysteen.

Related posts

Khasaare xooggan oo ka dhsahay isku dhac dhex maray ciidamda Suuriya iyo kuwo daacad u ah Assad

Abdiaziz Bnnstaff

Dumarka Hargaysa Oo Bilaabay Sheekeeyinkii Reer Muqdisho Iyo Dhacdo Yaab Leh Oo Ka Dhacday Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Israa’iil oo sheegay in dib loo dhigay dhaqan-galka heshiiska xabbad-joojinta Qasa

Abdiaziz Bnnstaff