Borama News Network

Ciidamada Maraykanka Oo Duqaymo La Beegsaday Goobo Ay Ku Sugnaayeen Daacista Somaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa sheegay in ay fuliyeen duqeymo dhanka cirka oo ka dhan ah kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Duqeymaha ayaa la sheegay inay ka dhaceen dhuulka buuraha ee waqooyi Bari Soomaaliya

AFRICOM oo kaashaneysa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa sii wada dedaalkooda ay ku wiiqayaan awoodda Daacish-ta isla markaana looga hor tego weerarro ay fuliyaan kooxda, taas oo khatar ku ah muwaadiniinta dalka Mareykanka, ciidamadeena iyo muwadiininteenna dibedda, ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM ka soo baxay.

Waxaa sido kale qoraalka lagu sheegay in aanan la bixin doonin xogo dheeri ah oo ku saabsan duqeyntan maadama duqeymaha weli la fulinayo.

Related posts

Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay aargoosanayaan kadib markii Hindiya duqeysay saldhigyo

Abdiaziz Bnnstaff

Maamulka Puntland Oo Magaalada Boosaaso Ka Raafaya Boqolaal Oromo Ah Oo Looga Shikiyay Amni Darada Magaalada

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladaha Kenya Iyo Jarmalka Oo Wada Gaadhay Heshiis Dhanka Socdaalka Ah

Abdiaziz Bnnstaff