Borama News Network

Ciidamada Masar oo ku biiraya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Masar ayaa ciidamadeeda ku biirin doonaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, wasiirkeeda arrimaha dibadda ayaa Isniintii sheegay, sida ay baahisay warbaahinta iyadoo xiriirka labada dal uu sii xoogeysanayay tan iyo markii ay bilaabatay xiisadda kala dhexeyso Itoobiya oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

“Masar waxay go’aansatay inay ka qayb-gasho howlgalka, iyadoo ka duulaysa codsiga dowladda Soomaaliya iyo soo dhaweynta golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika,” ayuu yiri Badar Abdelatty oo shir jaraa’id ku qabtay Qaahira oo uu ku xusayay booqashadii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hawlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AUSSOM, ayaa bedeli doona howlgalka ATMIS ee waqtigiisu dhammaanaya sannadkan.

Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sanadkan ka dhashay qorshaha Addis Ababa ay ku doonayso in ay ku dhisato deked laga dhisayo maamulka gooni-goosadkiisa ku dhawaaqay ee Somaliland, kaas oo soo jiiday awoodaha gobolka, isla markaana khatar ku ah Geeska Afrika oo sii xumaanaya.
Kadib wadahadalo ay garwadeen ka ahaayeen Turkiga, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo xalin lahaa arrimahan.

“Waxaan ka hadalnay xaaladda Soomaaliya iyo in Masar ay taageerto Soomaaliya oo uu culeys soo fuulaya awooddeeda iyo madax-bannaanideeda dhammaan dhulka qaranka Soomaaliyeed iyo diidmada awaamiirta ama dhaqdhaqaaq kasta oo hal dhinac ah oo taabanaya midnimada, madaxbannaanida iyo ammaanka Soomaaliya,” ayuu Abdelatty hadalkiisa ku daray.

Khilaafkan ayaa keenay in Soomaaliya ay isu sii dhawaato Masar oo iyadu naqdisay heshiiskii Somaliland, isla markaana ay Itoobiya sannado badan isku khilaafsanaayeen biyo xireenka ay Addis Ababa ka dhisayso webiga Niil.

Muddooyinkaan danbe waxaa sii xoogaysanayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, dhawaan ayayna ahayd markii diyaarad ka timid Qaahira taas oo siday hub iyo ciidan ay ka soo dagtay garoonka magaalada Muqdisho.

Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaana heshiis amni waxa ay kala saxiixdeen bishii Agoosto ee sanadkaan.
Waxaa jira walaac ay muujineysay Itoobiya kaas oo ku aadan hubka kala duwan ee ka soo dagay dakadda Muqdisho, waxa ay sidoo kale dhowr jeer oo hore eedeyn iyo dhaliil u jeediyeen dalka Masar.

Bishii December ee sannadkii hore ayay ahayd markii heshiis is-afgarad ah ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Muuse Biixi. Heshiisku waxa uu dhigayaa in Itoobiya ay aqoonsato Somaliland si ay Somaliland uga furto albaabkeeda badda Itoobiya.

Dukumentigan ka dib, xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ahayd mid aad u adag. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xoojiyay xiriirka uu la leeyahay dhiggiisa Masar Al-Sisi iyo hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki.

Dhanka kale Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Cumar oo booqasho rasmi ah ku jooga Itoobiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu daabacay bogga X ayaa lagu sheegay in wafdigan ay xoogga saarayaan sidii loo sii xoojin lahaa ballan qaadyadii lagu gaaray heshiiskii Ankara.

“Iyadoo laga duulayo heshiiskii madaxda labada dal ay ku gaareen magaalada Ankara, waxay booqashadu sii xoojinaysaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa uu intaa ku daray in “Booqashada wefdigu ay diiradda ku saari doonto fursadaha lagu horumarinayo iskaashiga ku dhisan ixtiraamka iyo danaha.”

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka deriska ah ee ku saleysan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed.

Heshiiska ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ku kulmeen magaalada Ankara oo ay wada hadal ku yeesheen.

Kadib markii madaxda dalalkaasi ay heshiiska gaareen, ayaa waxaa la xusuustaa in Madaxweynaha Turkiga oo si wada jir ah shir jaraa’id u qabtay uu sheegay in heshiiskan uu u sahlayo Itoobiya oo aan bad laheyn inay hesho marin badeed.

Labo maalmood ka hor, markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu booqasho rasmi ah oo hal maalin ah ku tagay dalka Itoobiya, wuxuu sheegay inuu taageersan yahay dadaallada ay Itoobiya ku doonayso inay ku hesho albaab badeed oo ay wada-hadallo kula yeelato dalalka dariska ah iyadoo loo marayo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Related posts

Xukuumadda Netanyahu oo Ciidanka Israaiil ku qasbaysa dib ugu laabashada goobaha ay isaga-baxeen

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Laga Filan Karaa Shirka Aan Caadiga Ahayn Ee IGAD Kuna Saabsan Xiisadda Itoobiya Iyo Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaad Keenay In Xisbiyadu Olole Bilaanaan Iyada Oon La Gaadhin Xiligii Ololaha Loo Qorsheeyay

Abdiaziz Bnnstaff