Borama News Network

Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay aargoosanayaan kadib markii Hindiya duqeysay saldhigyo

Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay aargoosanayaan kadib markii uu ku eedeeyay Hindiyaa inay weerartay saddex saldhig ciidan oo ciidanka cirka ah.

Hindiya weli kama aysan jawaabin eedeymahaas, oo lasoo bandhigay waaberigii hore ee Sabtida.

Mid ka mid ah saldhigyada la sheegay in la weeraray waa Nur Khan, oo ku yaalla Rawalpindi, una jira caasimadda Islamabad qiyaastii 10km (6.2 mayl).

Horraantii toddobaadkan, Hindiya waxay duqeysay bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Pakistan iyo Kashmir-ta ay Pakistan maamusho, si ay uga aarguddo weerar argagixiso oo lagu qaaday dalxiisayaal Hindi ah magaalada Pahalgam bishii la soo dhaafay – hase yeeshee Islamabad waxay si cad u beenisay in ay ku lug lahayd.

Labada dhinacba waxay is eedeynayaan in ay is dhaafsadeen gantaallo xuduudda la isugu gudbiyay, tan iyo markii Hindiya ay billowday hawlgalkii milatari ee ay ku qaaday gobolka.

Related posts

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka oo booqday halkii lagu halaagay reer Thamuud

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Oo Gaadhay Xabsi Degmada Baki Iyo Waxyaabihii Uu Kula Soo Kulmay

Abdiaziz Bnnstaff

Deg-deg Xildhibaan Maxamed Abiib , waa Sunta ka ilmaysiisa beesha Isaaqa ” Dadweynaha Boorama

Abdiaziz Bnnstaff